Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo gaaray magaalada Jowhar

0
162

JOWHAR (Radioisnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo muddo bil ah ay biyo go’odoomiyeen.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaysa iyadoo muddo bil ah magaalada Jowhar ay saddex jiho ay biyo ugaga hareereysan yihiin ayna maciishada nolosha sare u kacday.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gargaarka ee dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale.

Kumanaan qoys ayaa ku barakacay fatahaad ka dhalatay wabiga Shabelle horaantii bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale fatahaaduna ay baabi’isay kumanaan hekter oo ay dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa  magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay  ra’iisul wasaaraha wasaaraha xukuumadda soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here