Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Dib Ugu soo Laabtay Magaalada Jowhar

0
159

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Wafdiga uu Hoggaaminayay ayaa waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) Wasiiro, Xildhibaano iyo dad kale oo Shacab ahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay kusugnaa Caasimadda dalka ee Muqdisho waxaana uu uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen khilaafkii ka taagnaa Doorashada ka dhaceysa Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here