Muxuu Sergio Aguero Ka Yidhi Ku Biiristiisa Barcelona & Sharraxaad Uu Ka Bixiyey Go’aankiisa?

0
215

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sergio Aguero ayaa maanta si rasmi ah ugu wareegay Barcelona oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah, isagoo si bilaash ah ugaga yimid Manchester City.

Xiddiga reer Argentina ayaa soo afjaray toban sannadood oo uu u ciyaarayay Manchester City, waxaana uu ka degay Barcelona kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Etihad Stadium, iyadoo kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xidhay shaadhka City na uu ahaa finalkii Champions League ee niyad-jabku kasoo gaadhay.

Sergio Aguero ayaa  qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah oo lagu daray qodob dhigaya in 100 milyan oo Euro lagu burburin karo heshiiskiisa.

Kaddib markii ay Barcelona usoo bandhigtay warbaahinta, Sergio Aguero ayaa bixiyey waraysigiisii ugu horreeyey, waxaana uu sharraxay sababta uu Barca ugu biiray, isagoo yidhi: “Barcelona waa kooxda ugu wanaagsan dunida. Dhamaanteenna waynu ognahay.

“Waxa uu ahaa go’aan wanaagsan in aan ku biiro oo aan ka caawiyo kooxda in ay koobab ku guuleysato. Waa tallaabo kale oo aan aad ugu faraxsanahay. Waxa aan rajaynayaa in aan wax badan ku kordhin doono kooxda.

“Waxa ugu horreeya, waa in aan isku dayo oo aan u ciyaaro kooxda illaa inta karaankayga ah. Waxa aanu nahay koox, waxaanan iskugu dayi doonaa sida ugu wanaagsan. Waxa aan ku rajo weynahay in aanu wax ku guuleysan doono dhamaadka xilli ciyaareedka, kuna tartami doono koobabka muhiimka ah.”

Sergio Aguero waxa kale uu ka hadlay waqtigii uu yimid qaaradda Yurub iyo sidii uu ugu qasbnaaday in uu beddelo qaab ciyaareedkiisa markii uu tegay horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “18 sannadood ka hor ayaan imid Yurub oo aan ku biiray Atletico Madrid oo in badan i caawisay. Kaddib waxa aan tegay City, qof kastaana wuu garanayaa waxa uu Premier League yahay.

“Waxa aan beddelay qaabkii aan u ciyaari jiray markii aan halkaa joogay, waxaanan isku dayi doonaa in aan khibraddayda oo dhan keeno halkan {Barcelona}.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here