Pep Guardiola Oo Lagu Canaantay Shaxdii Uu Kula Ciyaaray Chelsea.

0
186

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Pep Guardiola ayaa kusoo galay shax adag oo ku dhisan weerar kulanka finalka Champions League ee ay Chelsea ku kala calaf-qaadayaan waddanka Portugal, taas oo ay City kusoo bilaabatay qaab weerar ah.

Raheem Sterling oo kaydka la saaxiibay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ayaa ka ciyaaraya garabka weerarka ee dhinaca bidix, waxaana dhinaca kale ee midig soo taagan Riyad Mahrez oo ahaa laacibkii soo burburiyey PSG, laakiin arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in da’yarka reer England ee Phil Foden uu kusoo bilowday weerarka tooska ah ee No.9 oo been ah.

Khadka dhexe oo ay kusoo wada bilowdeen Ilkay Gundogan, Kevin de Bruyne iyo Bernardo Silva ayaa ah halka ay doodda ugu badan ka dhalatay isla markii ay soo baxday shaxdu, waxaana la isweydiiyey sababta uu Pep Guardiola u doortay in kulankan finalka ah uu ku ciyaaro shaxda noocan ah, taas oo lagu tilmaamay khamaar badheedh ah.

Khabiirka telefishanka Sky Sports ee Adam Bate oo ka hadlay shaxdan ayaa yidhi: “Guardiola mar kale ayuu sameeyey layaab. Ma keenin Rodi ama Fernandinho oo aan hal kulan ka wada maqnaanin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, labaduba kaydka ayay ku jiraan, waxaana kusoo bilowday Raheem Sterling. Tani waa in dib uu u fadhiyo Ilkay Gundogan.

“Tani waxay fursad siinaysaa Thomas Tuchel. Waxa laga yaabaa in Guardiola uu dareemay in ay tahay inuu qaab cusub kala hor-tago Chelsea oo laba jeer kasoo badisay. Laakiin, wali waa layaab. Waa khamaar.”

Shaxda Man City: Ederson, Walker, Stones, Dias, Zinchenko, Gundogan, De Bruyne, Bernardo, Mahrez, Sterling, Foden.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here