Lambarkee Ayuu Ibrahima Konate U Xidhan Doonaa Liverpool?

0
190

JOWHAR (Radioisnaay) Ibrahima Konate ayaa noqday saxeexii ugu horreeyey ee Liverpool ee xilli ciyaareedkan, waxaana si rasmi ah uu qalinka  ugu duugay qandaraas uu shanta sannadood ee soo socota ku joogayo Anfield.

Liverpool ayaa bixisay £35 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaska difaacan Muslimka ah ee reer France, iyadoo ugu dambayn uu Jurgen Klopp gacanta ku dhigay mid ka mid ah ciyaartoydii uu muddada dheer ku raad-joogay.

Virgil van Dijk, Joel Matip iyo Joe Gomez oo kasoo kabanaya dhaawac xilli ciyaareedkii hore ay ku seegeen, ayay Ibrahima Konate isku helayaan Anfield, waxaana uu Klopp heli doonaa kala-doorasho difaac iyo kuwo kaydka ku jira oo lagaga badbaado musiibadii xilli ciyaareedkii hore oo kale.

22 jirkan oo sidoo kale loollan kala kulmi doona Nat Phillips, Williams iyo Davies, ayaa waxay jamaahiirtu u dheg taagayaan lambarka uu u xidhan doono kooxda oo la filayo in lagu shaaciyo munaasibadda lagu soo bandhigayo.

Lambarka loo badinayo in uu xidhan doono ayaa ah No.2 oo uu hore u xidhan jiray Nathaniel Clyne oo xilli ciyaareedkii hore tegay, kaas oo ay sidoo kale soo xidheen Stephane Henchoz iyo Glen Johnson.

Waxa kale oo bannaanaaday No.5 oo uu xidhan jiray Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah uga tegay Liverpool, kuna biiraya Barcelona, halka No.19 oo uu xilli ciyaareedkii dhamaaday xidhnaa Ozan Kabak la rajaynayo in uu bannaanaan doono maadaama ay Liverpool go’aansatay in aanay difaaca reer Turkey rasmi u beddelin heshiiskiisii amaahda ahaa. Goolhaye Adrian ayaa isaguna bannaynaya No.13.

Laacibkan ayaa kooxdiisii hore u xidhan jiray No.6 oo Liverpool uu haysto Thiago Alcantara, waxaanay taasi ka dhigan tahay, in uu qaadan doono lambarrada 2 ama 5.

Waxa kale oo Liverpool ay haysaa lambarro kale oo bannaan, sida 24 oo uu xidhan jiray Rhian Brewster, No25, No.29 oo ay xidhan jireen Dominic Solanke & Fabio Borini iyo sidoo kale No.30 iyo No.31 oo ay kala xidhan jireen Suso iyo Raheem Sterling. Lambarkii Jordan Ibe ee No.33 ayaa isaguna bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here