Xayiraadda Covid-19 oo saameysay Dad ka badan 300 oo kun oo Tahriibayaal ah

0
228

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xayiraadda isu socodka Dadka ee kahortagga faafitaanka Covid-19 waxa ay saameysay in ka badan 300-kun oo ruux oo dhammaantood ah tahriibayaal daneynaya in ay isaga tagaan dalalkooda si ay u helaan nolol uga wanaagsan tan ay heystaan.

Hay’adda Socdaalka Dunida ayaa diiwaangelisay in aanay joogsan qul-qulka Tahriibayaasha balse hoos u dhac uu ku yimid tiradii socdaali jirtay sabab ka dhalatay xayiraadda adag ee ka dhalatay kahortagga Covid-19.

Hoos u dhac ayaa ku yimid tahriibayaashii u qul-quli jiray Yemen iyaga oo ka gudbaya Biyaha Soomaaliya & Jabuuti si ay uga sii tallaabaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo xad wadaag la ah Dalkaas sida ku cad qiimeynta IOM sameysay.

Xiritaanka xuduudaha waa sababta yareysay dhaq-dhaqaaqa dadka tahriibka isku daya oo intooda safar dhulka ah ku tago magaalooyinka xeebaha leh oo ay kasii raacaan doomaha ay ku tahriibaan.

Dhaq-dhaqaaqa dadka istaagay waxaa kamid ah: Soomaaliya, Jabuuti & Yemen oo marin u ah Tahriibka & Tahriibayaasha maadaama Xeebaha & Xuduuddda ay ka gudbaan dadkaan yihiin iyo kooxaha ka macaasha in ay u fududeeyaan safarka Badda ah.

Waxaa aad u batay Dadka barakacay 2020-ka oo gaaray 6.5 Milyan, halka sanadkii 2019-kii celcelis ahaan gaarayeen 6.3 Milyan oo ruux waa sida lagu sheegay Warbahinta Hay’adda Socdaalka Adduunka ay la wadaagtay Qaramada Midoobay.

Sanadkaan 2021-ka oo qiimeyntiisa lasoo gudbinayo December oo ah bisha ugu dambeysa waxaa lasii saadaalinayaa in tiradu intaas ka badato maadaama colaadda Waqooyiga Itoobiya ay sababtay in ay natooda la baxsadaan kumanaan kunool Ismaamulka Tigray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here