Madaxweynaha Faransiiska oo qirtay doorkii Wadankiisu uu ku lahaa Xasuuqii Rwanda.

0
217

Jowhar (Radio Isnaay)Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga wadanka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday doorkii uu ku lahaa mas’uuliyadda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadii 1994, isagoo weydiisanaya dadka reer Rwanda in laga cafiyo doorka waddankiisa ku lahaa xasuuqa,Macron wuxuu sheegay in faransiiska ay waajib ku tahay inuu qirto dhibaatadii ay u gaysateen dadka reer Ruwanda.
Qiyaastii 800,000 oo qowmiyada Tutsiga ah iyo Hutu-ga qunyar socodka ah ayaa waxaa dilay maleeshiyada Hutu 100 maalmood guddahood ah,Xasuuqa ayaa dhamaaday July 1994 ka dib markii Jabhada Rwandan Patriotic Front (RPF), oo uu hogaaminayey Madaxweynaha hada talada haya ee Kagame,qabsadeen.ay qabsadeen xukunka dalka.
Madaxweynaha Rwanda ayaa dhankiisa sheegay in Dadka reer Ruwanda marna iloobi doonin doorkii faransiisku ku lahaa xasuuqa balse ay cafin karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here