Lacagta Ay Abaal-marinta U Heli Doonaan Ciyaartoyda Chelsea Haddii Ay Champions League Ku Guuleystaan

0
182

JOWHAR (Radioisnaay) Chelsea ayaa lacag malaayiin Gini ah ka heli doonta finalka Champions League ee ay Manchester City wada ciyaari doonaan fiidka  hore ee Sabtida, laakiin waa in ay ku guuleysato koobka.

Mulkiilaha Chelsea ee  Roman Abramovich ayaa ciyaartoyda kooxda u ballan-qaaday in uu £10 milyan oo Gini oo abaal-marin ah uu siin doono haddii ay ku guuleystaan Champions League, laakiin lacagtaas ayaa noqon doonta waxyar oo ka mid ah inta ay laacibiintani ka samayn karaan kulanka finalka.

Chelsea ayaa heli doonta £95 milyan oo Gini haddii ay Manchester City ku garaacaan finalka Champions League, waxaana ciyaartoydeeda ay abaal-marin ahaan u siin doontaa £10 milyan oo ka mid ah lacagtaas

Tababare Thomas Tuchel oo ku guul-darraystay finalka FA Cup oo ay Leicester City ka qaadday koobka, ayaa waxa uu rajaynayaa in Man City oo uu hore laba jeer uga soo badiyey muddadii koobnayd ee uu Stamford Bridge joogay, in uu markanna ka badiyo, kuna guuleysto koobkiisii ugu horreeyey ee Champions League ah.

Chelsea ayaa haddii laga badiyo, waxay wali ciyaartoydeedu heli doonaan lacag abaal-marin ah oo dhan £5 milyan oo Gini, sababtoo ah, ballan-qaadkii hore  loogu sameeyey ee ahaa in haddii ay finalka yimaaddaan ay helayaan lacagtaas ayaa ahayd £56 milyan.

Ciyaartoyda kooxda oo dhan ayaa loo qaybin doonaa lacagta, taas oo macnaheedu tahay, in Tino Anjorin iyo Tammy Abraham oo kaliya kasoo muuqday wareeggii hormooyinka, ay iyaguna heli doonaan saamigooda.

Chelsea ayaa isticmaashay 24 ciyaartoy intii uu socday tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer London ayaa hore u xaqiijisatay, in Champions League ay ka  hesho £92.3 milyan oo Gini, waxaana ugu darsami doona £3.45 milyan oo Gini haddii ay koobka hantiyaan, taas oo wadarta lacagtooda ka dhigi doonta £95.75 milyan oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here