Dooni ku degtay Nigeria oo laga cabsi qabo iney ku dhintaan dad badan.

0
257

Jowhar (Radio isnaay)-Waxaa la la’ayahay dhowr qof oo ku nool Waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay u kala go’aday laba qeybood kadibna quustay.

Rakaabka saarnaa doonida ayaa u badnaa haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo safray dalka Niger kuna sii jeeday gobolka Kebbi ee dalka Nigeeia

Mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa sheegay in ilaa 40 qof la soo badbaadiyey, laakiin xaalku uma eka in dad badan lasoo samata bixin doonin.

Saraakisha deeganka ayaa BBC-da u sheegay in quusayaasha iyo shaqaalaha gurmadka ay isku dayayaan inay badbaadiyaan dadka kale ee doonta la rogmatay. Shan mayd ayaa lagu soo waramayaa in la helay.

“Ilaa iyo hadda meydadka ayaa lasoo saaraya, ma sheegi karno tirada hada,” ayuu yiri Yahaya sarki oo afhayeen u ah barasaabka gobolka Kebbi oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Abdullahi Buhari Wara, oo kamid ah saraakiisha deeganka Ngaski ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in shilka uu sabab u yahay in doonta la saaray shixnad badan sababto ah waxaa loogu talagalay doonta inay qaado 80 rakaab oo keli ah.

Qasimu Umar Wara, oo ku nool deeganka Wara ayaa sheegay in shan meyd hada la helay balse la filayo in tiro badan laga helo xeebta maalmaha soo socda.

Doonta aad ayay u rarnayd ayuu yir. ” Walaalkay ayaa kamid ah dadka la la’yahay. Shilkan waa kii ugu xumaa abid ee ka dhaca badda Nigeria.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here