Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Majaajiliiste Abwaan Sooraan

0
218

JOWHAR (Radioisnaay) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeriday Majaajiliiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah, kaas oo ku geeriyooday magaalada Burco.

Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco, Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan..
Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Dhinac kale  Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here