Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul Ka dhacda Gobolka Tigray

0
160
Displaced Tigrayan women Tarik, 60, center, and Meresaeta, left, who fled from the town of Samre, roast coffee beans over a wood stove in the classroom where they now live at the Hadnet General Secondary School which has become a makeshift home to thousands displaced by the conflict, in Mekele, in the Tigray region of northern Ethiopia Wednesday, May 5, 2021. The Tigray conflict has displaced more than 1 million people, the International Organization for Migration reported in April, and the numbers continue to rise. (AP Photo/Ben Curtis)

JOWHAR (Radioisnaay) Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay uga digay in haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin ay macluul baahdsani ka dhici doonto gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa aragtay nuqul ka mid ah warbixin uu Mark Lowcock oo ah Wakiilka Arrimaha Bani’aaddannimada ee Xoghayaha Guud ee QM uu ka diyaariyay gobolka Tigray, taas oo uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Lowcock ayaa sheegay, in haddii labada bilood ee soo socota aan si deg deg ah loo xoojin gargaar bani’aadannimo ay dadka ku nool gobolkaas ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray ay khatar u gali doonaan macluul.

Muddo ka badan lix bilood oo ay colaado ka jiraan gobolka waqooyi ee Tigray ee Itoobiya ayaa hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay soo sheegayeen in halkaasi ay ka dhaceen gaboodfallo ka dhan ah aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here