Dowladda Mareykanka oo Dib udhisaysa Magaalada Qaza

0
151

Jowhar (Radio Isnaay)-Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono dib u dhiska magaalada Gaza kaddib duqeymihii ay Israa’iil halkaa ka geysatay bartamihii bishan.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in dagaalyahannada Xamaas ee gacanta ku haya dhulkaas aysan ka faa’iideysan dedaalada dib u dhiska ee Gaza.

Antony Blinken ayaa ka hadlayay magaalada Qudus, kaddib wadahadal uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dedaalli dooni sidii caalamka uu u taageeri lahaa dedaalka dib u dhiska Gaza, dhankiisana uu “dhaqaale wanaagsan ku deeqi doono” oo qeyb ahaan la shaacin doono gelinka dambe ee maanta.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay afar maalmood kahor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here