Pep Guardiola Oo Sharraxay Casharro Uu Ka Bartay Thomas Tuchel Iyo Cabsida Ka Haysa Chelsea Finalka Champions League

0
258

JOWHAR (Radioisnaay) Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay ku adkaan doonto in ay joojiyaan ciyaaryahannada Chelsea kulanka finalka Champions League ee Sabtida, isagoo hoostana ka xarriiqay in tababare Thomas Tuchel uu xariif ku yahay sida ciyaartoyda garoonka ku jira looga hago bannaanka.

Sabtida ayay labada kooxood ee horyaalka Premier League ka wada dhisan isku haleeli doonaan finalka Champions League iyagoo ku wada ciyaari doona magaalada Porto ee waddanka Portugal. Chelsea ayaa laba jeer oo hore timid finalka Champions League, waxaana sannadkii 2008 magaalada Moscow ku garaacday Manchester United oo koobka ka qaadday, halka sannadkii 2012 ay koobka ku guuleysatay Chelsea oo finalkii la ciyaartay Bayern Munich oo waliba garoonkeeda joogta.

Manchester City ayay u tahay markii ugu horreysay ee ay finalka timaaddo, laakiin Pep Guardiola ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay koobkan intii uu tababaraha ahaa, waxaanu khibraddiisa u adeegsan doonaa sidii uu kooxdan ugu hoggaamin lahaa koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ah.

Si kastaba, Chelsea ayaa  isbeddel badan samaysay tan iyo intii uu Tuchel u noqday tababaraha bishii January, waxaanay laba guulood oo isku xiga ka gaadheen City. Semi-finalka FA Cup oo ayey ku garaaceen garoonka Wembley, halka ciyaarta kale oo ahayd Premier League ay garoonka Etihad Stadium kusoo gaadheen guul.

Pep Guardiola ayaa wax laga weydiiyey sida ay noqon doonto ciyaarta finalka maadaama labadii kulan ee ugu dambeeyey ay Chelsea kasoo adkaatay, waxaanu ku jawaabay: “Marka ay kubadda haystaan, way adag tahay in la joojiyo sababtoo ah ciyaartoygoodu aad ayay iskugu dhow yihiin.

“Ciyaartoydooda khadka dhexe ayaa si fiican oo xidhiidhsan isku garab socda, iyagoo isla markaana isku baahinaya garabyada iyo afka hore oo uu dhaqdhaqaaq ka samaynayo Timo Werner.

“Sidaa darteed, way adag tahay in la joojiyo sababtoo ah waxay si fiican ugu dhaqaaqayaan Christian Pulisic iyo Mason Mount. Marka ay ciyaartoydani kubadda hayaan, si toos ah ayay kuugu soo dhaqaaqayaan, mana aha laacibiin isku dayaya inay kubadda baas dhiibaan, dhaqaaqooduna waa mid xariifnimo ah.

“Waxaan arkay kulankii Aston Villa. Way guul-darraysteen laakiin si fiican ayay u ciyaareen, waxayna maamuleen ciyaarta. Ma jirto koox Chelsea ka adag oo aan filayay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here