Kooxaha Talyaaniga Uga Soo Qayb-gelaya Champions League Oo La Xaqiijiyey & Juve Oo Nasiibka U Hiiliyey.

0
250

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Talyaaniga ayaa lasoo gabogabeeyey, waxaana la xaqiijiyey afarta kooxood ee uga  soo qayb-geli doona tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Saddexda kooxood ee AC Milan, Juventus iyo Napoli ayaa ku jiray dagaal saddex geesood ah oo labada boos oo afarta sare ah ay ku kala riixanayeen, waxaana meesha ka baxday Napoli oo barbarro niyad-jab ah la gashay kooxda yar ee Verona, taas oo u dejisay kaalinta shanaad ee horyaalka Serie A.

AC Milan ayaa laba gool oo rikoodheyaal ah oo aan looga daba jawaabin ku garaacday Atalanta oo iyadu waqti hore xaqiijisatay booskeeda Champions League inkasta oo ay kaalinta saddexaad usoo dhacday. Labada gool waxa Milan u dhaliyey Franck Kessie oo 11 gool oo rikoodheyaal ah kooxdaas u saxeexay xilli ciyaareedkan, kuwaas oo dhamaantood ahaa horyaalka.

Juventus ayaa xasuuq u geysatay Bologna oo ay ku derdertay afar gool oo saddex ka mid ah uu dhaliyey weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata iyo midka kale oo uu ku daray Chiessa, taas oo Juventus keentay kaalinta afraad ee horyaalka.

Kulankan oo uu kaydka fadhiyey Cristiano Ronaldo oo xataa aan beddel lagu soo gelinin ayaa waxay Juventus qaybtii hore ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0, iyadoo goolka afraadna ku dartay qaybta labaad ka hor intii aanay Bologna gool samirsiis ah dhalinin.

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo waqti horeba ku guuleysatay Inter Milan, ayaa la isku dhegganaa boosaska kaalmaha labaad, saddexaad iyo afraad, laakiin Atalanta ayaa toddobaad ka hor xaqiijisatay in kaalinteeda Champions League ay badqab tahay inkasta oo maanta ay usoo degtay kaalinta saddexaad, balse ay xilli ciyareedka dambe kasoo muuqanayso UCL.

Juventus ayaa ahayd kooxda halista ugu badan kaga jirtay tartanka Champions League, waxaanay ku jirtay kaalinta shanaad ka hor intii aanay ciyaartii ugu dambaysay isku waajihin Bologna, halka Napoli oo afraad fadhiday oo kaliya u baahnayd in ay guuleysato si ay u xaqiijisato booskeeda ay fursaddaas iska lumisay.

Afarta kooxood ee Champions League uga soo qayb-gelaya Talyaaniga

  1. Inter Milan (Horyaalka sannadka)
  2. AC Milan
  3. Atalanta
  4. Juventus

Labada kooxood ee tegaya Europa League

  1. Napoli
  2. Lazio

Kooxda ka qayb-geli doonta tartanka cusub ee Europa Conference League

AS Roma.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here