Orodyahaanno Cimilo Xumo ugu Geeriyooday Waddanka Shiinaha.

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kow iyo Labaatan oradyahan oo ka qayb qaadaneysay oradka masaafada dheer oo lagu qabtay waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha ayaa geeriyooday kaddib marki ay roobab baraf wata ka da’een goobihi uu tartanku ka dhacayey.

Tartanka oradka oo ay masaafadiisu tahay 100 km (60 mile) oo Sabtidi ka dhacay dhulka ku teedsan keymaha Yellow River waxaa ku dhuftay roobab dabeylo qabow oo aad u xooggan wata.

Tartanka oradka ayaa la hakiyey kaddib marki la waayey 172 ka mid ah oradyahannadi tartankaasi ka qayb galeysay, waxaana markiba billowday howlgal dadkaasi lagu baadi goobayo.

Orodyahannada go’doomay intooda badan ayaa la sheegay inuu jirkooda uu barafoobay oo kulka jirkooda uu hoos u dhacay taasoo afka qalaad loo yaqaanno Hypothermia.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadashana waxay sheegeen oradyahannada geeriyooday iney kamid yihiin Liang Jing iyo Huang Guanjun oo tartanka oradkan 2019-kii ku geeriyooday.

Mas’uuliyiinta dalka Shiinahana waxay xaqiijiyeen 151 oradyahan ay haatan bad qabaan.

XIGASHADA AFP VIA GETTY IMAGES

Tartanka oradka ayaa billowday saacaddu markay ahayd 09:00 xilliga maxalliga maalinta Sabtida, iyada oo tartamayaasha intooda badan ay xirnaayeen funaanado iyo sarwaal gaabyo khafiif ah.

Qaar ka mid ah oradyahannadi badbaaday waxay sheegeen saadaasha hawadu iney u sheegeysay iney dabeylo iyo roobab ay ku dhufan karaan aagagga uu tartanka ka dhacayo, balse ay u haysan inuu sida uu u halis badan yahay.

Saraakiisha Magaalada Baiyin waxay sheegeen tartanka marka uu socdo ku dhawaad seddex saacadood, dhanka ay buurta ka xigtay goobta uu tartanka ka dhacayey iney ka da’een roobab dhagaxaan baraf ah wata, iyo dabeylo xooggan oo qaboow oo sababay inuu hoos u dhaco heer kulka.

Oradyahan Mao Shuzhi oo wakaaladda wararka ee Reuters u warrantay waxay sheegtay iney ka soo laabatay halki ay cimiladu iska beddeshay.

“Roobkana marba marka ka sii dambeysa wuu sii xoogeysanayey, waxaanna qayaastii marayey 24 km mana gaarin tartanka halka uu buuraha kaga beegnaa” ayey tiri Mao.

Waxayna go’aansatay iney ku laabato huteelkii ay dagganeyd, maadaamaa ay hadda ka hor la kulantay khatar dhinaca heer kulkeeda oo hoos u dhacay, balse dadki kale ee tartanka ka qayb galayey ay orodkooda ku sii wateen dhulka ay cimiladiisu isabeddeshay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here