Shacabka Magaalada Goma oo ka Barakacaya Folkaano ka Qarxay Koongo.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa bilowday qorshe dadka lagaga daad guraynayo magaalada bariga dalkaas ku taal ee Goma oo fulkaani weyni ka qarxay.

Daad dhamac dhagax dhalaalay ah ayaa ka soo rogmaday buurta Nyiragongo oo hollaca ka baxayaana magaalada ku shareeraay daruuro midab cas ah, waxaana magaaladaa ku nool laba milyan oo qof.

Kumanaan qof oo argagaxsan ayaa magaalada lug kaga baxay.

Buurta fulkaanuhu ka qarxay waxay magaalada u jirtaa 10km, markii ugu dambaysay ee halkaa fulkaane ka qarxaana waxay ahayd sannadkii 2002 oo waagaa ay ku dhinteen 250 qof 120,000 oo qofna ku guryo beeleen.

Dad badan oo furaashyo iyo maacuun kale sita ayaa la arkayey iyaga oo qaxaya oo xadka uga talaabaya dhanka bari ee Rwanda, ka hor xataa digniinta dawladdu intii aanay soo bixin taas oo ay shaacisay dawladu dhawr saacadood ka dib markuu qaraxa fulkaanuhu bilaabmay.

Maamulka Rwanda ayaa sheegay in qiyaastii 3000 oo qof ay durba xadka ka soo talaabeen. Dad kale oo magaalada Goma degan ayaa iyaguna u qaxay dhulka taagga ah ee galbeedka magaalada.

Dhinac labaad ayuu hadada fulkaanu ka faruurmay waxaanu daad dhamac ahi u rogmaday dhanka koonfureed ee magaalada oo wuxuu gaadhay madaarka magaalada oo ku yaal dhanka bari.

Korontada ayaa ka go’day meelo badan oo magaalada ah wadooyinka waaweyn mee isku xidha magaalada Goma iyo Beni ayuu dabku durba jaray.

Buurta Nyiragogo waxay ka mid tahay buuraha fulkaanaha joogtada ahi ka qarxo ee aduunka laakiin waxa jiray walaac ah in aan si haboon aanay ula socon fulkaanahaas wakaaladda la socodka fulkaanaha ee Goma tan iyo markii baanka aduunku ka jaray dhaqaalihii uu siin jiray eedo musuqmaasuq awgood.

Warbixin ay soo saartay 10 bishan May ayay wakaaladdu digniin ay soo saartay ku sheegtay in kordhodhka dhaqdhaqaaqa dhulka hoostiisa ee buurta Nyiragongo kordhay.

Fulkaanihii dadka ugu tirada badani ku dhinteen wuxuu buurtaa ka qarxay sannadkii 1977 waagaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here