Dowladda Koonfur Afrika oo Xeer lala Yaabay ka Soo Saartay Guurka Dumar.

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweenka ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa laga yaabaa in dhowaan loo oggolaado in ay “mar qura guursan karaan in ka badan hal nin”, iyadoo sababta lagu sheegay in la dhiirri gelinayo sinnaanta.

Soo jeedintan oo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalkaas ayaa waxaa haatan eegaya dowladda Madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Ragga Koofur Afrika ayaa sharci ahaan waxaa loo oggol yahay inay haween badan guursadaan.

Waaxda Arrimaha Gudaha Koonfur Afrika ayaa dhowaan soo jeedisay in haweenka si sharci ah loogu oggolaado inay mar qura niman badan guursan karaan, si lamid ah ragga dalkaas.

Warbixin guurka ku saabsan oo ay waaxda arrimaha gudaha daabacday, ayaa lagu sheegay in sharciga guurka ee haatan dalkaas ka jira uu faquuqayo haweenka, isla markaana uusan ka tarjumeynin sinnaanta jinsiga.

Warbixinta oo loogu magac daray Warqadda Cagaaran ayaa sidoo kale waxay aqoonsaneysaa guurka Hindida, Yuhuudda, Muslimiinta iyo kan Rastafari-ga.

Dadweynaha dalkaas waxay heystaan ilaa dhammaadka bisha June si ay fekerkooda uga dhiibtaan arrintan.

Elizabeth Retief, oo xubin ka ah ururka PolyamorySA, ayaa soo dhoweysay soo jeedintan iyadoo ku sheegtay inay tahay tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah.

Sida ay qabto Retief, soo jeedinta waaxda ayaa horseedi doonta in la aqbalo dhaqanka guurka badan ee dalkaas.

Waxay sheegtay in guurka badan ay ku saleysan yihiin qiyamka, fekerka dhaqanka iyo doorarka jinsiga kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here