Malawi oo Dab Qabad siisay Shixnad Tallaalka Covid-19 ah.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Malawi ayaa gubay 19,610 oo ah tallaalka fayraska Korona oo dhacay, iyagoo sheegay in ay doonayaan in shacabkooda ay u xaqiijiyaan in tallaalka ay qaadanayaan uu yahay mid badqaba.

Waa waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u guba tallaal dhacay.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa markii hore ugu baaqday dalalka in aanay burburin tallaalka dhacay, balse markii dambe ayay ka laabatay taladaas.

Tirada dadka la tallaalay ee Malawi ayaa aad u kooban, shaqaalaha caafimaadkana waxa ay rajeynayaan in tallaabadan lagu gubay tallaalka dhacay ay sare u qaadi doonto kalsoonida shacabka.

Malawi oo shacabkeedu lagu qiyaasay 18 milyan ayaa waxaa inta la diiwaangeliyay cudurka laga helay 34,232 oo qof, halka ay u dhinteen 1,153 oo qof.

Tallaalka AstraZeneca oo dhan 102,000 ayay dabayaaqadii bishii March Malawi ka heshay Midowga Afrika, waxaana ay isticmaashay 80% tallaalkaas.

Xoghayaha caafimaadka Malawi, Dr Charles Mwansambo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay ku burburiyeen tallaalka dhacay, balse waxa uu sheegay in faa’iidada laga helayo ka badan tahay khasaarada uu dhaliyay go’aanka.

“Marka uu faafay warka ah in aan haysanno tallaal dhacay, waxaa aad u yaraaday dadka soo raadsanayay tallaalka. Haddii aanan gubi lahayn, dadku waxay u qaadan lahaayeen in aan ku dureyno tallaal dhacay, waxaana sidaa ku kordhi lahaa tirada kiisaska cudurka,” ayuu yiri Dr Mwansambo.

Dhakhtarta ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay u wada isticmaali waayeen tallaalka ka hor inta uusan dhicin ay ahayd in dadka da’da ah lagu qancin waayay qaadashadiisa.

Qaar kamid ah shacabka ku nool caasimadda Lilongwe ayaa walaac ka muujiyay badqabka tallaalka.

“Waan jeclaan lahaa in aan qaato tallaalka, balse ma hubo in cisbitaalka aan tagayo uu igu duri doono tallaal dhacay ama mid badqaba” ayuu BBC u sheegay Jack Chitete oo dukaan ku haysta caasimadda.

Malawi ma aha dalka keliya ee haysta tallaal dhacay. Waxaa jiro dalal kale oo Afrikaan ah oo aan gubin tallaalka dhacay kadib markii ay ku talisay hay’adda WHO inay sii haystaan. Hay’adda ayaa dib ka bedashay go’aankaas, waxaana ay hadda ku talinaysaa in la burburiyo tallaalka dhacay.

Tallaalka kale ee hadda loo isticmaalo cudurrada qaar ayaa yaali kara muddo saddex sano ah. Caqabada taagan ayaa ah in tallaalka fayraska Korona uu jiray muddo ka yar sanad, isla markaana aan xog wanaagsan laga haysan mudada la sii isticmaali karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here