Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho

0
227

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa caawa Fiidkii soo gaaray Muqdisho si uu qeyb oga noqdo wada hadalada u dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Fedraalka ah ee la filayo in saacadaha soo socda ay ka furmaan Caasimadda Muqdisho.

Sido Kale Madaxweynaha Puntland & Madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada ayaa la qorsheynayaa iney berri kasoo dagaan Muqdisho.

Garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Qoorqoor ayaa  kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here