Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degaano uu sameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle

0
160

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Tuulada Moyko oo dhowaan fatahaad uu ka sameeyay wabiga shabeelle.

Tuuladaan ayaa dhanka Waqooyi kaabiga kaga heysa madaxtooyada Hirshabeelle oo ah halka madaweynuhu degan yahay.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Beeraha iyo waraabka Hirshabelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Kan Degmada jowhar.

Magaalada Jowhar waxay go’doon ugu jirta daad kaga yimid Wabiga Shabeelle oo Fatahaad sameeyay, iyadoo ay go’yihiin labada wado ee ugu muhiimsan ee magaalada soo gala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here