Sacuudiga oo War Ka soo Saaray Qul qulka Ajaaniibta Waddamo Dhowr ah.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqortooyada ay go’aan ku gaartay la socodka dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta Duullimaadka & safarka dhulka ah ku gasho Dalkaas sabab ka dhalatay kahortagga nuuc cusub oo ah xannuunka COVID-19, sidaas oo kale waxa ay digtay muwaadiniinta Sacuudiga in ay safaro badan galaan.

Wasaaradda ayaa shaacisay liiska Dalalka ugu socodka badan muwaadiniintooda dhanka Boqortooyada Sacuudiga ee u baahan in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda si aysan sabab ugu noqon gudbinta faafitaanka xannuunka nuuca cusub ee Covid-19.

Waddamada kusoo baxay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa kala ah: Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Somalia, Koongada Dimuqraadiga DRC, Afghanistan, Venezuela, Belarus, India & Dalal kale oo liiskaan soo gali kara.

Hay’adaha ammaanka, kuwa caafimaadka & ilaalada soohdinta waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga ku adkeysay in ay ula socdaan qul-qulatooyinka soogalootiga nolol maalmeedka u raadsanaya Dalkaas.

boqortooyada Sacuudiga ayaa sidaas oo kale Muwaadiniinteeda ku wargelisay in aysan u safri kari dalalkaan kusoo baxay Liiska sabab ka dhalatay in dib ugu laabashadooda ay fududeyn karto in cudurka ay geeyaan sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga kasoo baxay.

Sacuudiga ayaa difaac adag ka galay xaaladda Covid-19, waxa ay boqortooyadu xakameysay goobaha isu imaatinka sida Magaalooyinka Barakeysan oo martigeliya Kumanaan Muslimiin ah oo u cibaado tagta.

Bishii Febaraayo 2021 amar kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga waxaa xayiraad adag lagu saaray Dalal ay kamid tahay Soomaaliya si looga hortago faafitaanka nuuc cusub oo Covid-19 ah oo laga helay qaar kamid ah waddamada magacyadooda lasoo gudbiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here