Barcelona Oo Guul-darro Kale Loo Xambaariyey iyo Real Madrid Oo Dirqi Ku Dhaaftay Bilbao.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha kubadda cagta Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa iskugu soo hadhay tartanka koobka horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan, kaddib guulo ay ka gaadheen Osasuna iyo Athletic Bilbao, laakiin Barcelona ayaa guul-darro ay la kulantay si dhab ah ugaga quusatay, xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ahna koob la’aan ku dhamaysanaysa.

Atletico Madrid ayaa tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ka badbaadday guul-darro iyadoo illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 82aad ay Osasuna ku hoggaaminaysay 1-0, hase yeeshee difaaca reer Brazil ee Renan Lodi iyo Luiz Suarez ayaa laba gool oo ay u dhaliyeen waxay hoggaanka ugu soo celiyeen kooxdooda.

Tababare Diego Simeone ayay kooxdiisu hoggaanka horyaalka LaLiga ku haysaa 83 dhibcood, iyadoo laba dhibcood ka horreysa Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta, isal markaana 1-0 dirqi ah kaga soo badisay Athletic Bilbao oo ay marti u ahayd.

Real Madrid ayaa ku dhibaatootay garoonka San Mames, waxaanay gashay khataro badan inkasta oo ay waqti hore oo qaybta dambe ah heshay goolka guusha oo uu u dhaliyey difaaca reer Spain ee Nacho Fernandez.

Los Blancos ayaa niyadda gashashatay in ay hoggaanka horyaalka la wareegtay markii Atletico Madrid laga dhaliyey goolka, ciyaartuna ay maraysay barbarro illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 88aad ka hor intii aanu Luis Suarez goolka guusha u dhalin Atletico, taas oo ahayd kubbad uu ka helay Carrasco oo uu hubsaday shabaqa Osasuna.

Horyaalka Spain oo hal kulan oo kali ahi ka hadhsan yahay, waxa qarka u saaran in ay ku guuleysato Atletico Madrid oo Axadda la ciyaari doonta kooxda yar ee Real Valladolid oo ay marti u noqon doonto, waxaana kaliya ka xigta in ay hesho saddexda dhibcood si ay u hantaan horyaalkoodii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2014.

Real Madrid ayaa iyaduna Axadda  la ballansan Villarreal, waxaanay u baahan yihiin in ay saddexda dhibcood ee kulankaas helaan sidoo kalena la barbarreeyo ama laga badiyo Atletico Madrid, taas oo marka la eego kooxda Los Rojiblancos ay la ciyaarayso aan macquul ahayn, inkasta oo Real Valladolid ay iyaduna ka ordayso heerka labaad oo haddii ay badiso ay ka badbaadi karayso.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa qalbi jab kale ku dhacay, waxaana garoonkeeda Camp Nou 2-1 ku garaacday Celta Vigo oo marti u ahayd.

Barcelona ayaa gool la hormartay qaybtii hore, waxaana u dhaliyey Lionel Messi, hase yeeshee Celta Vigo ayaa keentay goolka barbarraha isla qaybta  hore oo uu u dhaliyey Santi Mino, ka hor intii aanu goolka guushana Celta Vigo mar kale u keenin Santi Mina xilli ciyaartana laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Guul-darradan ayaa uga dhigan Barcelona in ay ku jirto kaalinta saddexaad oo ay haysato 76 dhibcood oo ay shan dhibcood ka hoosayso Real Madrid oo kaalinta labaad fadhida iyo Atletico Madrid oo ay toddoba dhibcood ka dambeeyaan, taas oo ka dhigan in ay horyaalka macasalaameeyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here