Israa’iil oo lagu Eedeeyay in ay Qaxooti ku Laysay Qaza.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xero qaxooti oo ku taal Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan todobo qof.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhintay ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah oo ku sugnaa xerada Al-Shati ee waqooyiga magaalada Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta oo ka fal-celiyay duqeynta ayaa gantaallo ku ganay magaalada Beershiiba ee Israa’iil.

Ku dhawaad 140 qof ayaa ku dhintay Gaza tan iyo markii ay colaaddu billaabatay Isniintii. Gantaallada Falastiiniyiinta ayaa gudaha Israa’iil ku dilay 8 qof.

Colaadda Gaza ayaa dhalisay in rabshadaha ay ku fidaan deegaannada ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay isku faro-saareen Falastiiniyiinta iyo xooggaga ammaanka ee Israa’iil.

Ugu yaraan 10 qof Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen rabshadaha Daanta Galbeed, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Xooggaga ammaanka ee Israa’iil ayaa dibedbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka ah iyo xabbado nool, halka Falastiiniyiintana ay tuurayeen bambooyinka betroolka laga sameeyo.

Xiisadda halkaa ka taagan ayaa lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee gobolka soo marta muddo sanado ah.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in qiyaastii 10,000 oo Falastiiniyiin ah ay ka barakaceen guryahooda Gaza colaadda awgeed.

Rabshadaha ayaa sidoo kale ku fiday gudaha Israa’iil iyadoo ay gacmaha isula tageen kooxo Yuhuud ah iyo kuwo Carabta Israa’iil ah, waxaana arintaa ay dhalisay in madaxweyne Reuven Rivlin uu ka digo in rabshadaha ay horseedi karaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amray in booliska ay wax ka qabtaan rabshadaha gudaha, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 400 oo qof.

Booliska ayaa sheegay in Carabta Israa’iil ay ka dambeeyeen inta badan rabshadaha, waxaana ay iska fogeeyeen eed ah in aanay waxba ka qaban dhalinyarada Yuhuudda ah ee bartilmaameedsada guryaha Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here