Xiisadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta oo meel sare gaaray.

0
156

Jowhar (Radio-Isnaay)-Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay 130 gantaal ku garaaceen magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kadib markii duqeyn dhanka cirka ah o ay Israa’iil ka gaysatay daar weyn oo ku taal marinka Gaza.

Dhismahan oo ka kooban 13 dabaq ayaa la weeraray hal saac iyo badh ka dib markii dadka deegaanka iyo kuwa ka ag dhaw loogu digay in ay ka guuraan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada.

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhimatay rabshadahan oo noqonaya mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee sanado dhaca.

Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota ismaandhaafkii ka taagnaa Qudus.

Kooxahan mintidiinta ayaa horey boqolaal gantaal ugu riday dhanka Qudus iyo aagag kale.

Saddex qof ayaa lagu dilay aagga Israa’iil halka ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil.

Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horaysay sheegay in kooxda Xamaas, “ay ka gudbeen khad cas” iyagoo gantaalo ku garaacay magaalada Qudus markii ugu horaysay sannado.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here