Kulanka Man United vs Leicester – Ole Oo Shax Diciif Ah Kusoo Bilaabaya, Dhaawaca Maguire & Wararkii U Dambeeyey.

0
197

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa kulankii labaad oo ka mid ah saddex ciyaarood oo shan maalmood gudahood ah, waxaanay fiidka hore ee caawa garoonka Old Trafford ku qaabbili doontaa Leicester City.

United ayaa imtixaan adag maraysa, waxaana iyagoo guul soo laabasho ah kasoo gaadhay Aston Villa maalintii Axadda ay haddana maanta oo Salaasa ah la ciyaarayaan Leicester City, halka ay Khamiistana sugayso Liverpool.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa waajahaya Leicester oo ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, waxaana guul-darro soo gaadha ay horyaalka u xaqiijin kartaa Man City, laakiin Red Devils ayaa dagaal ka xigta in ay taasi ku dhacdo inkasta oo shax diciif ah ay kusoo geli doonaan kulankan.

Leicester City oo guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Newcastle oo 4-2 kusoo garaacday toddobaadkan, ayaa waxay lumisay kaalinteedii saddexaad ee horyaalka oo ay kala wareegtay Chelsea, waxaanay hadda shan dhibcood oo kaliya ka horreysaa West Ham oo kaalinta shanaad fadhida.

Brendan Rodgers ayaa haddii ay kooxdiisu dhibco lumiso kulanka Man United ee caawa, waxay halis ku geli doontaa in xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah lagala baxo kaalinta afraad, waxaana ka sokow West Ham iyaduna kusoo dhowaanaysa Liverpool oo hal ciyaar ahi baaqi u tahay, lix dhibcoodna ka dambaysa.

Rikoodhka kulamadoodii hore

Manchester United iyo Leicester City waxay iska hor yimaaddeen 132 kulan, waxaana gacanta sare  lahayd United oo badisay laban-laab inta ay Leicester libinta heshay.

132ka kulan, United ayaa badisay 68 ciyaarood, halka Leicester ay 34 ka badisay iyo 30 ay barbarro galeen.

Markii ugu dambaysay ee ay iska hor yimaaddeen waxa 3-1 ku adkaatay Leicester City oo u baxday finalka FA Cup.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Leicester City

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 8pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here