Dibad baxyo ka Dhan ah Isra’iil oo ka Dhacay Waddanka Turkiga.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumanaan qof ayaa waxay Dibadbaxyo ballaaran ka dhigeen agagaarka Dhismaha Safaaradda Yuhuudda ku leedahay caasimadda Turkiga ee Ankara iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Istanbul.

Dibadbaxyaasha waxay wateen Calanka Falastiin iyo Boorar ku qornaa Erayo lagu taageerayey Qaddiyada Reer Falastiin.

Waxay kaloo ku dhawaaqayeen hadalo ay ku cambaaraynayeen Yuhuudda iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madax Carbeed, oo ay ka wada hadleen Tacadiyada ay Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus.

Erdogan Madaxda uu Xalay la hadlay waxay kala yihiin:

Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla Bin Xuseen, Amiirka Kuweyt,Sheekh Nawaat Al-Sxked Al-sabaax, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Ismaaciil Haniyah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here