Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar.

0
364

JOWHAR (Radioisnaay)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Qeyb ka ahaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle ahna Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy, Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle Dr Cabdullaahi Abuukar Xuseen iyo Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle Xildhibaan Saadaq waxaana soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeer kutagay Goobaha ay kasocodaan Dadaalada Xakameeynta Fatahaadaha Magaalada Jowhar isaga oo uga Mahadceliyay Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda Beeraha Dadaalada ay ku bixiyeen Xersita Daadadka Fatahaadaha Wabiga Shabelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhinaca kale baaq Nabadeed u Diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne isagoo ugu baaqay inay Nabadda qaataan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Mudadii oo ku maqnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu Halkaasi uga qeyb galay shirar looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka iyo Xalinta khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here