Xaallad Cabsi xooggan oo ka taagan Waqooyiga dalka Sudan iyo Gantaalka Shiinaha oo ku wajahan

0
146

JOWHAR (Radioisnaay) Dadka ku nool Gobalka Waqooyiga ee Jamhuuriyads Sudan ayey la soo gudboonaatay cabsi, Rucbi iyo jahwareer, kadib, markii uu Wasiirka Caafimaadka Federalka ee dalkaasi, Cumar Al-Najiib shaaciyey inay Hay’adda Shisheeye ku soo wargelisay inuu Gobalka Waqooyiga Sudan ku habsan doono Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2.

Dadka ayaa feejigan, una dheg taagaya Gantaalka laga digay inuu ku dhici doono Gobalkaaai oo inta badan Lama-degaan ah.

Waxaa la soo Weriye inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2  berri Subax ku soo hooban doono Waqooyiga Sudan,  sida ay Wararka muujinayaan.

Gaadiidka iyo Shaqaalaha Gurmadka aya Heegan buuxa la geliyey, waxaana lagu jiraa Feejignaantii u saraysay Xilligan oo ay cacku saxuuranayaan.

Gobalkaasi waxa uu ku dhexeeya Webiga Nile ee Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Khartuum ilaa Xuduudka dalka Masar.

Waa dhul Beeraley ah oo Caan ku ah Qamadiga iyo dalagyada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here