Ra’isul-wasaaraha Pakistan oo maanta booqan doono Sacuudiga

0
179

JOWHAR (Radioisnaay) RW Imran Ahmed Khan wax maanta oo Jimco ah u bilaaban doonta Booqasho 3 maalmood oo uu ku tegi doono caasimadda dalkaasi ee Riyadh, kadib, markii uu casuumaad ka helay Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salman (MBS).

Wafdiga Imran Khan waxaa ka mid ah Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda, Shah Maxamuud Qureysh iyo xubno kala oo ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Pakistan.

Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Guud ee Ciiddanka Pakistan, Jeneral Javed Bajwa ayaa horey u joogay Sacuudiga, isagoo maalintii Arbacada Kulan la yeeshay dhigiisa Sacuudiga, Jeneral Fayiadh Bin Hamad Al-Rowaily.

Wafdiga Pakistan waxay Madaxda Sacuudiga kala hadli doonaan Xiriirka labada dal, Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maalgashiga, Tamarta, Fursadaha Shaqo ee Xoogsatada Pakistan iyo Danaha Qurbo-joogta Pakistan ee ku nool Sacuudiga.

Waxaa la filayaa in RW Pakistan uu Madaxda Sacuudiga la saxiixan doono tiro Heshiisyo iyo Is-faham ee labada dhinac.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakistan muddada uu ku sugan yahay Sacuudiga waxa uu la kulmi doona Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Al-Cuthmaani  iyo Imaamyada Labada Masjid ee Barakaysan ee Maka Al-mukarama iyo Madiinatul-Munawara.

Si kastaba ha ahaatee, Booqshada iyo Kulmada Madaxda Sacuudiga iyo Pakistan waxay xoojinaysaa Isbahaysiga muddada dheer ee ay lahaayeen, inkastoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay is-maan dhaafeen, kadib, markii ay Dowladda Pakistan ka biyo-diiday inay qeyb ka noqdaan Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Dowladda Sacuudiga waxay sanadkii 2018-kii ugu deeqday Pakistan Xirmo Lacageed oo dhan 6 Billion oo Dolalr

Si kasataba ha ahaatee, in k badan 2 million oo qof oo Reer Pakistan ah ayaa ku nool Sacuudiga, kuwaasi oo noqday Isha ugu ballaaran ee Lacagaha loo xawilo Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here