Manchester United Iyo Villarreal Oo Iskugu Soo Baxay Finalka Europa League.

0
180

Jowhar – ( Radiom Isnaay ) – Manchester United iyo Villarreal ayaa iskugu soo hadhay ciyaarta ugu dambaysa ee finlaka tartanka Europa League, iyagoo kasoo kala adkaaday AS Roma iyo Arsenal.

United oo u safartay waddanka Talyaaniga ayaa lasoo kulantay guul-darro 3-2 ah oo ay guushu ku raacday Roma, laakiin kulankii hore oo ay kusii shaqaysatay Old Trafford ayaa waxay natiijada isku-darka labada ciyaarood ka dhigaysaa 8-5, waxaanay sidaas ugu gudubtay finalka Europa League.

Villarreal ayaa iyaduna waxay barbarro goolal la’aan ah la gashay Arsenal oo ay marti ugu ahayd Emirates Stadium, waxaana sidaas ku soo baxday kooxda reer Spain ee uu tababaraha u yahay Unai Emery oo lugtii hore kusoo badisay 2-1.

Arsenal oo dedaal badan u samaysay sidii ay iskaga xaadirin lahayd finalka, ayaa awoodi weyday in ay wax goolal ah ku dhaliyaan garoonkooda, iyagoo laga doonayay in ay hal gool oo kali ah la yimaaddaan si ay usoo baxaan.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu xilli ciyaareedkii ugu xumaa taariikhda dhow ay gelaysaa, waxaana ka maqnaan doontaa tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe iyagoo kaalinta sagaalaad kaga jira horyaalka Premier League.

Unai Emery oo ay Arsenal shaqada ka caydhisay, kuna beddeshay Arteta ayaa Villarreal ku hoggaamiyey finalka, waxaana tababarahan reer Spain uu khabiir ku yahay tartankan oo uu saddex jeer oo hore ku guuleystay.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa ugu gudubtay finalka Europa League shaqadii ay Old Trafford kusii qabsatay Khamiistii hore, waxaana iyadoo lagaga badiyey Olimpico Stadium 3-2 ay haddana usoo gudbeen finalka.

Edinson Cavani ayaa daqiiqaddii 39aad jabiyey difaaca Roma, waxaana kubbad uu goolka kaga toogtay masaafo 20 yard ah uu daba mariyey goolhaye Mirante, waxaanu goolkaasi sii fogeeyey farqiga goolasha ay Manchester United ka horreyso Roma oo uu ka dhigay 7-2 isku-darka labada lugood.

Ruug-caddaaga weerarka ee Edin Dzeko ayaa ka jawaabay qaybtii dambe oo ciyaarta ka dhigay 1-1, isagoo David de Gea ku garaacay kubbad uu usoo dhiibay Pedro, taas oo uu madax si fudud ugu leexiyey goolka oo madhan.

Laba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Roma ciyaarta ka dhigtay 2-1, waxaana weerar degdeg ah oo ay soo qaadday ay Pellegrini kubadda kaga soo xoog-roonaaday Fed, waxaanu usii dhiibay Cristante oo masaafo 20 yard ah ka toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Dea Gea.

Edinson Cavani ayaa siddeed daqiiqadood kaddib barbarreeyey, waxaase haddana gool saddexaad heshay Roma, kaas oo uu iska dhaliyey difaaca bidix ee Manchester United ee Alex Telles, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here