Dowladda Qatar oo Xabsiga Dhigtay Wasiirkeedii Maaliyadda.

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Maaliyadda ee Qatar ayaa xabsiga loo taxabay sababo la xiriira in uu awoodisa ku takrifalay iyo in si khaldan uu u isticmaalay hantida dadweynaha ee dalkan khaniga ku ah gaaska ee khaliijka ku yaala, sida warbaahinta ay ku waramayso.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa amray in Ali Shareef al-Emadi sualo laga weydiyo, kadib markii dib u eegis lagu sameeyay “dambiyada la xiriira shaqaalaha dowladda”, sida ay qortay wakaalada wararka ee Qatar.

Mr Emadi ilaa iyo hadda kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Wuxuu xubin ka yahay guddiga maamula dhaqaalaha dalkaasi oo lagu qiyaaso $300bn (£216bn), isla markaana waxaa uu yahay gudoomiyaha Bangiga qaran ee Qatar.

Mr Emadi wuxuu ahaa madaxa fulinta ee bangiga, oo ah bangiga ugu weyn ee deynta ugu badan ee Bariga Dhexe bixiyo, ka hor inta uusan noqon wasiirka maaliyadda sanadkii 2013 Waxaa loo magacaabay inuu ka mid noqdo gole wasiirro cusub markii uu xukunka la wareegay Amiirka hadda kursiga ku fadhiyo ee Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Sanadkii la soo dhaafay, Jaraaidka maaliyadda ee dalka Ingiriiska kasoo baxa ee The Banker ayaa Mr Emadi siiyay abaalmarinta “Wasiirka Maaliyadda Sanadka” ee dalalka ku yaala Bariga Dhexe.

Waxaa la sheegay in abalmaarinta n uu ku muteystay dadaalkiisa ku aaddan maareynta dhaqaalaha dalka, Qatar intii lagu guda jiray cudurka safmarka eecoronavirus, xilligaas oo dhaqaala Qatar uu hoos u dhacay boqolkiiba 3.7% iyadoo baahida tamarta adduunka ay aad u hooseysa.

Wakaalada wararka Qatar Fahafaahin dheerad ah kama aysan bixinin eedaha loo jeediya Mr Emadi.

Balse ilo xog ogaal ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in cadeeymaha iyo baaritaanada ay saameyn ku yeelan doonan xilka uu hayo ee Wasiirka Maaliyadda balse aysan saameyn ku yeelan doonin xilalalka kale ee u hayo.

Xarigyada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah ee dalka Qatar, laakiin dalka yar ee khaliijka ayaa isku dayaya in musuq maasuqa la dagaalo maadaama uu isku diyaarinayo in uu marti galiyo koobka aduunka ee Fifa sanadka soo socda ,Waxaana balaayiin doolar lagu bixiyay dhismaha garoomada iyo kaabayaasha dhaqaale ee kale.

Hay’adda Transaparency International ayaa sheegtay in Qatar ay kaalinta 30-naad ka gashay 180-ka dal ee caalmka marka la fiiriyo la dagaalanka Musuqa waana dalkii labaad ee carab ah ee kaalintaas galo, waxaa kaalinta koowad galay dalka Isutagga Imaraadka carabta ee UAE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here