Diblumaasi sare oo geeriyootay ka dib markii ay dabaq iska soo tuurtay

0
158

JOWHAR (Radioisnaay) Xubin sare oo ka tirsanayd safaaradda Switzerland ee Tehran ayaa dhimatay ka dib markii ay ka soo dhacday dabaq dheer oo ay deganayd, sida warbaahinta Iraan ay werineyso.

Qof ka tirsan laanta gurmadka degdegga ah ee Tehran, wuxuu wakaaladda wararka ee Mehr u sheegay in haweeneyd ay ahayd 51-sano jir, ayna ahayd Agaasimaha Koobaad ee safaaradda, balse ma uusan sheegin magaceeda.

Booliska ka howlgala xaafadda Kamraniyeh ee Tehran ayaa hay’adda gurmadka degdegga ah ku wargeliyay in ay soo gaaraan haweeneyda, subixii Talaadada. Balse “mar hore ayeyba dhimatay”, ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa xaqiijisay in qof ka tirsanaa shaqaalaha safaradda uu ku dhintay shil.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Madaxada Golaha, Ignazio Cassis, waxay ka argagexeen geerida, waxayna uga tacsiyeynayaan qoyska,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Wasaaradda waxay sheegtay in ay la xiriirtay qoyska iyo maamulka Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here