Khasaarihii Ay Geysteen Taageereyaasha Manchester United & Arrinta Sababaysa In Kooxda La Ganaaxo

0
161

JOWHAR (Radioisnaay) Muuqaallo fool xun ayay warbaahintu kasoo gudbiyeen mudaharaadkii taageereyaasha Manchester United ay shalay ka sameeyeen garoonka Old Trafford iyo bannaanka Hotelka Lowry Hotel ee ay degganaayeen ciyaartoyda Manchester United.

Taageereyaasha ayaa weerar toos ah ku qaaday ciidamada ammaanka ee ilaalinayay albaabada garoonka Old Trafford, waxaanay xoog ku galeen gudaha iyagoo qaarkood waxyaabo gubanaya ku tuureen doogga lagu ciyaaro, taas oo aanay United wali la wadaagin warbaahinta khasaaraha soo gaadhay.

Falanqeeyeyaasha ciyaaraha, gaar ahaan Jamie Carragher, Gary Neville iyo Graeme Souness ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in taageereyaashu ay gudaha garoonka ku tuureen walxo ololaya.

Intaasi waxay ahayd wax ku kooban gudaha Old Trafford oo sida la filayo aanu ka dhicin khasaare badan, laakiin waxay dhibaatada ugu badan ka dhacday bannaanka garoonka.

Ciidamada booliska ee Greater Manchester Police ayaa isku dayay in ay kala kaxeeyaan taageereyaasha, xilligii ciyaartu soo dhoweyd, waxaanay marka hore ku guuleysteen in ay dibedda uga soo saaraan garoonka.

Markii ay ciidamadu damceen in ay ka kexeeyaan barxadda Old Trafford, ayay taageereyaashu weerar ku qaadeen booliska iyagoo ku tuuray dhalooyin/quraarado, isla markaana iska caabbin sameeyey, waxaanay taasi keentay khasaare soo gaadhay booliska

Laba sarkaal oo boolis ah ayaa dhaawacmay, waxaana lagu soo weeraray quraaradolagu soo tuuray, kuwaas oo wajiga dhaawacyo kasoo gaadhsiiyey. Waxa loola cararay cusbitaalka si loogu daaweeyo.” Sidaas waxa war-saxaafadeed ku yidhi Grater Manchester Police.

Booliska dhaawacyadu soo gaadheen ayaa midkood ay qabteen kaamirooyinka warbaahinta tooska usoo tabinaysay, waxaana ka muuqanayay dhaawac wajiga ah.

Si kastaba, Manchester United ayaa la filayaa  in lagu ciqaabi doono maadaama ay xakamayn kari weyday taageereyaasheeda, waxaana go’aanka Premier League la filayaa in uu soo baxo dhamaadka usbuucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here