Kooxaha Valencia iyo Barcelona oo Caawa Wada Ciyaari doona

0
191

Jowhar (Radio-Isnaay)-Barcelona ayaa u halgami doonta in ay jidka guusha kusoo laabato marka ay caawa garoonka Mestalla Stadium ugu tagto Valenica, taas oo ay uga horreysay guul-darro lama filaan ahayd ee Khamiistii kasoo gaadhay Granada.

Tababare Ronald Koeman ayay kooxdiisu iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka LaLiga kual wareegi lahayd, laakiin waxay caawa ciyaarayaan iyadoo Atletico Madrid ka horreysa shan dhibcood, Real oo labaad ku jirtaana saddex dhibcood ka horreysa.

Barcelona oo ogsoon in haddii ay guul-darraysato ay ku adkaan doonto in ay hanato horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan oo afar kulan oo kale u hadhsan yihiin, isla markaana usbuuca dambe la ciyaari doonta Altetico Madrid, ayaa waxay marti u tahay Valencia oo kaalinta 14aad ku jirta, xilli ciyaareed adagna soo qaadatay.

Valencia ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey guul-darro la’aan ahayd, waxaana ugu dambaysay Alaves oo ay barbarro 1-1 ah wada galeen, shakina kuma jiro in Barca ay qaabbilayaan iyagoo niyad-jab ka muuqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here