Wafdi Ka Socda Mareykanka oo Ku Wajahan Wadanka Suudan

0
171

Jowhar (Radio-Isnaay)- Senator Christopher Kunz iyo Senator Chrisvan Hollen oo xubno ka ah Guddiga Xiriirada Dibedda ee Aqalka Senedka Maraykanka (Foreign Relations Committee) ayaa la filayaa inay maalinta Isniinta booqasho rasmi ah ku tagaan caasimadda dalka Suudan ee Khartoum.

Wafdigaasi oo booqasho 3 maalmood ah ku joogi doona Suudan ayaa waxa uu qorshahood yahay sidii loo xoojin lahaa Qaabka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga xiriirada Sudane iyo Maraykanka (Streng thening cooperation for the Sudanese-American relations)

Wafdiga Maraykanka waxaa u qorsheysan inay la kulmaan Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Ftaax Burhan, RW Cabdalla Xamduuk, Wasiirka Caddaalada, Nasrudiin Cabdul-bari iyo Wasiirka Waraabka ee Sudan, Professor Yaasir Cabaas.

Labada dhinac waxay kaloo ka wada hadli doonaan Horumaradii ugu dambeeyey ee xiisaddii ka taagnayd Xuduudka Suudan iyo Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here