Mareykanka oo Xukun Adag ku Riday Nin Gubay Saldhig Boolis.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin ayaa lagu xukumay inuu bixiyo $ 12m oo doolar ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu gubay saldhig booliis oo ku yaal Minneapolis intii ay socdeen rabshadihii dhacay bishii May ee lasoo dhaafay.

Dylan Shakespeare Robinson, oo 23 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inuu qeyb ka ahaa falkaasi oo dhacay bishii Diseembar, waxaana ganaaxa lacageed u sii dheeraan doonta afar sano oo xabsi ah.

Qareenka Robinson ayaa yiri “ma jirto fursad macquul ah” oo macmiilkiisu ku awoodi doono inuu bixiyo ganaaxaasi.

Saddex nin oo kale oo iyaguna qirtay dambiga ayaa iygana la xukumi doonaa.

Bishii May ee sanadkii hore, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Minneapolis si ay uga mudaaharaadaan dilkii ay booliska u geysteen George Floyd.

Sarkaalkii hore ee booliiska Minneapolis Derek Chauvin, oo markii dambe shaqada laga ceyriyay laguna helay dambi dil ah, ayaa laga duubay muuqaal isagoo jilbka luqunta kaga hayo Mr Floyd in ka badan sagaal daqiiqo intii la xirayay.

Dhimashadii Mr Floyd iyo mudaharaadyadii xigay waxay kiciyeen toddobaadyo xasillooni darro ah, waxaana magaalada ka dhacday bililiqo, dab la qabadsiiyay goobo muhiim ah iyo rabshado.

Dibadbaxayaasha waxaa ka mid ahaa Dylan Robinson oo ku sugnaa Brainerd, oo ah magaalo qiyaastii 120 mayl u jirta waqooyiga Minneapolis.

Sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha, Robinson wuxuu shiday dab kadibna qof kale ayaa ku tuuray xarunta dhexe ee Saddexaad ee magaalada Minneapolis – isagoona sidaasi dab ku qabadsiiyay dhismaha.

“Muuqaal laga helay kamirooyinka amniga ee xarunta ayaa muujinaya Robinson oo aalad dab ah shidaya oo uu hayo qof kale kadibna dab ka qabadsiiyay gudaha saldhigga oo u dhow jaranjarada dabaqa koowaad,” saraakiishu ayaa sidaasi sheegtay.

Robinson ayaa waxa uu qirtay inuu dambiga galay iyadoo dhanka kalana ay 3 nin oo kale oo lagu kala magacaabo Bryce Michael Williams, Davon De-Andre Turner iyo Branden Michael Wolfe ay iyagana qirteen inay galen dambigaas oo kale inkastoo aan weli iyaga la xukumin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here