Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay ku qaabbilaysaa Fulham, iyadoo raadinaysa guul ay ku xaqiijisato kaalinteeda afraad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, isla markaana ay lix dhibcood kaga hormarto naadiga kaalinta shanaad ku jira ee West Ham United oo Isniinta ciyaari doonta.
Blues oo barbarro 1-1 ah Salaasadii lasoo gashay Real Madrid ayaa waxay ku dedaali doontaa in ay jidka guusha kusoo noqoto ka hor inta aanay Arbacada martigelinin Real Madrid oo ugu imanaysa Stamford Bridge, waxaana la filayaa in tababare Thomas Tuchel uu isbeddelo ku sameeyo safkiisa oo uu nasiyo qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa.
Fulham ayaa iyaduna ciyaartii ugu dambaysay waxay barbarro ay guul ugu qalmaysay la gashay Arsenal, waxayse maanta u baahan yihiin saddex dhibcood oo sabab ugu noqda in ay ka badbaadaan heerka labaad oo ay khatar ugu jiraan in ay u dhacaan.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Chelsea vs Fulham
Tartanka: Horyaalka Premier League, kulamada 34aad
Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Stamford Bridge.