Kooxda Manchester United oo Xasuuqday dhiggeeda Roma kadib kulankii Xalay.

0
195

Jowhar (Radio-isnaay)-Manchester United ayaa guul weyn ka soo hoysay Roma oo ay ku qaabbishay garoonka Old Trafford, waxaanay ku burburisay 6-2 iyadoo Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes ay min laba gool dhaliyeen.

Villarreal ayaa iyaduna 2-1 kaga badisay Arsena, iyadoo laba gool oo ay qaybtii hore u kala dhaliyeen Manuel Trigueros iyo Raul Albiol, hase yeeshee Arsenal ayaa waqti dambe la timid goolka barbarraha oo uu u saxeexay Nicolas Pepe.

Manchester United ayaa qaybtii hore waxay ku dhibaatootay garoonkeeda, iyadoo Roma ay hoggaanka 2-1 kula nasatay, waxaana ciyaartan oo uu gool-dhalinteeda furay Bruno Fernandes daqiiqaddii 9aad ka daba yimid Lorenzo Pellegrini iyo Dzeko.

Laakiin qaybtii labaad ayay Manchester United u awood sheegatay Roma, waxaanay la timid shan gool oo jawaab la’aan ahaa, iyagoo dhinaca walba kaga yimid difaaca Roma oo si dhab ah u kala daatay.

Edinson Cavani ayaa daqiiqaddii 48aad ee bilowga qaybta labaad waxa uu dhaliyey gool aad u qurux badnaa oo uu difaaca kusoo xeeladeeyey ka hor intii aanu kubbad awood badan ka sudhin shabaqa koorne fog oo aanu goolhayuhu hawaysan karaynin.

Edinson Cavani ayaa mar kale kusoo laabtay gool-dhalinta waxaana uu kooxdiisa hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 64aad, isagoo difaaca oo daawanaya uu ula soo baxay xeeladihii lagu yaqaanay waqtigii uu Talyaaniga joogay ee ay Roma xafiiltami jireen, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here