Arsene Wenger Oo Sheegay ‘Dhibaato Nafsi Ah’ Oo Ku Habsanaysa Chelsea Ka Hor Ciyaarta Labaad Ee Real Madrid.

0
250

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsene Wenger ayaa rumaysan in Chelsea  ay waajahayso ‘dhibaato nafsi ah’ ka hor lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid ay la ciyaari doonaan toddobaadka dambe.

Chelsea ayaa faa’iido kala soo laabatay Real Madrid oo ay kusoo kala baxeen barbarro 1-1 ah, waxaana goolka ay dibedda kusoo dhalisay uu ka caawin karaa in ay kalsooni badan ku ciyaarto lugta labaad.

Arbacada toddobaadka soo socda ayay Real Madrid u safri doontaa Stamford Bridge oo ay kula ciyaari doonto Chelsea, waxaana Arsene Wenger oo kulankaas kasii hadlay uu sheegay in Thomas Tuchel uu u baahnaan doono in ciyaartoy kasta uu u sameeyo qorshe ciyaareed, si ay u garaaci karaan Real Madrid.

“Waxa xiisaha leh Champions League waa aad ciyaarta labaad waajahayso dhibaato nafti ah oo ay tahay in aad xalliso. Haddii aad tahay tababaraha Chelsea hadda, waa in aad tagto gurigaaga caawa oo aad ciyaartoydaada ku qanciso in ay la qabsadaan istaraatiijiyadda kulanka dambe.

“Sidaa darteed, waxaan leeyahay, ma isku dayi doontaan in aad 0-0 ku dhamaysataan mise waxaad isku dayi doontaan in aad guuleysataan ciyaarta.”

Arsene Wenger oo la weydiiyey, waxa uu isagu samayn lahaa haddii uu ahaan lahaa tababaraha Chelsea, waxa uu yidhi: “Waxa aan isku dayi lahaa in aan guuleysto, sababtoo ah, Madrid waxay ku jirtaa xaalad ka duwan nafsi ahaan. Waxay u tegayaan Chelsea, xataa haddii ay gool-dhaliyaanna wax badan ma beddelayso, kaliya way ciyaarayaan.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here