Joe Biden oo Guul ku Faanay Boqolkii Maalmood ee Ugu Horeeyay Xafiiskiisa.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi waxa uu kaga warbixiyay wixii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay xukunkiisa.

Khudbaddiisii ugu horraysay ee uu labada aqal oo wadajira uu u jeediyay madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku soo bandhigay qorshayaal lagu abuurayo shaqooyin, waxbarashada iyo adeegga bulshada.

Hasayeeshee qorshayaashaas ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Xisbiga Jamhuuriga.

Wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay inuu muujiyo waxa uu ku tilmaamay guuulaha tallaalka ee Mareykanaka taasoo wadada u xaaraysa in dib loogu laabto noloshii caadiga ahayd bilaha soo socda.

Wuxuu ku faanay in boqollaal kun oo shaqo oo cusub la abuuray 100-kiisii maalmood ee ugu horreeyay iyo sidoo kale in dhaqaalaha uu sare u kacay.

Wuxuu sheegay in maalgelintii dhowaan la ansixiyay ay gacan ka geysan doonta yareynta saboolnimada carruurta Mareykanka.

Biden wuxuu xildhibaannada u sheegay inay tahay inay tallaabo ka qaadaan – ama ugu yaraan ka doodaan – dib-u-habeynta socdaalka sababtoo ah waa hadal haynta shacabka Mareykanka.

“Aan joojino dagaalkeena badan ee la xiriira socdaalka,” ayuu yidhi.

Maamulka biden ayaa la taacalaya qulqulka muhaajiriinta ee ka soo galaya soohdinta Mareykanka iyo Mexico, iyagoona dib u celinaya dadka qaangaarka ah iyadoo lagu saleynayo siyaasadaha xilligii Trump hase yeeshee waxay qaateen tiradii ugu badneyd ee dadka waaweyn ee aan lala socon.

Waxuu soo jeedisay dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo xagga socdaalka isagoona carrabka ku dhuftay in qiyaastii 11 milyan oo qof oo aan sharciyeysnayn la bilaabo hannaankii sharci lagu siin lahaa si ay u muwaadiniin Mareykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here