Soomaaliya oo ka soo Muuqatay isku Aadka Wareega Group-yada FIFA Arab Cup 2021.

0
233

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay isku aadka wareega group-yada FIFA Arab Cup 2021 iyadoo xulka Soomaaliya loo sii sheegay group-ka ay ka dheeli doonaan haddii ay ka soo gudbaan kulanka isreebreebka ee ay la banasan yihiin xulka Oman.

14ka xul ee ugu qiimeyn hooseeya wadamada carabta ayaa isreebreeb soo galaya ka hor inta aysan ka qeyb gelin koobka Arab Cup 2021 oo ka dhacaya dalka Qatar sannadkan.

Soomaaliya waxay isreebreebka la dheeli doontaa Oman halka xulka Jabuuti ay isreebreebka la balansan yihiin xulka Lubnaan.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Oman waxay qeyb ka noqon doontaa Group A oo ay kula wehliyaan xulka martigeliyayaasha Qatar, Iraq iyo xulkii soo baxa Bahrain ama Kuwait.

Jabuuti haddii ay ka soo gudubto Lubnaan waxay geli doontaa Group D oo ay sidoo kale ku jiraan Algeria, Masar iyo xulkii soo baxa Sudan ama Libya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here