Xawayaankii internet-ka ka jaray magaalo Ku taal Waddanka Canada oo la Ogaaday.

0
205

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Adeegga internet-ka oo 12 saacadood ka go’anaa magaalo ku gaal gobolka British Colombia ee dalka Canada, ayaa lagu eedeeyey xawayaanka loo yaqaan Beavers-ka.

Shirkadda adeegga bixisa ee Telus ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah xadhkaha dhulka hoostiisa mara ee internet-ka siiyaa Tumbler Ridge, la ogaaday in ay hoy u noqotay Beavers.

Qiyaastii 900 oo macaamiisha internet-ka ah iyo 60 macaamiisha TV ah ayaa ay shirkaddu sheegtay in arintaasi saamaysay.

Adeegu wuxuu og’ay qiyaastii 04:00 wakhtiga gobolkaa maalintii Sabtidii.

Telus waxay sheegtay in shaqaalaheedu tageen biyo-xidheen halkaa u dhaw oo ay ku arkeen Beavers oo “cunay xadhkihii oo ka jaray dhawr meelood oo dhaawac weyn gaadhsiiyey”.

Xadhigu wuxuu dhulka ku aasnaa masaafo hal mitir ah waxaana ku dahaadhan dhuul qaradeedu tahay 12 cm oo gabigeedaba xawayaankaasi calaashaday.

Beavers ku waa xawayaan Canadana ku faanto hase yeeshee wuu noocyo badan yahay. Xawayaankaa dadka qaar baa ku jecel in uu yahay xawayaan ku wanaagsan injineernimada oo xirfad fiican u leh in ay biyo xidheenno samaystaan oo taasina deegaanka faa’iido u leedahay.

Laakiin ilkahooda xoogga leh ayaa khasaare ballaadhan gaadhsiiya beeralayda oo waxay wax yeelaan geedaha iyo midhaha.

Laba todobaad ka hor ayaa duqa magaalada Grenville-sur-la-Rouge, oo ah magaalo ku taal Quebec uu sheegay in xawayaankaasi sabab u ahaa daadad khasaare gaadhsiiyey hanti iyo kaabeyaal kaleba.

Qiyaastii 800 oo Beavers ah ayaa magaalada daawafeeda ka dhistay biyo-xidheenno waxaanu sheegay duqa magaalada Tom Arnold in loo baahanyahay farsamo lagu maareeyo xawayaankan.

“Waa dhibaato loo baahanyahay in aan ka takhalusno. Beavers ka waa in la dabar jaraa” inuu yidhi ayay soo xigatay warbaahinta CBC.

Beavers ka waxa haatan si tartiib tartiib ah loogu beerayaa qaybo ka mid ah UK iyadoo rajadu tahay in ay gacan ka geysan karaan in ilaalinta dhulka biyo fadhiisinka ah.

Qarnigii 16 ayaa ugaadhsi lagu dabar jari gaadhay oo dadku waxa loo ogaadhsan jiray dhogortooda, hilibka iyo qanjidhada uduga sii daaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here