Mareykanka oo wakiil cusub u soo magacaabay Geeska Afrika

0
186

JOWHAR (Radioisnaay) Dowladda Mareykanka ayaa wakiil cusub u soo magacowday geeska Afrika, kaasoo ka shaqeyn doona xalinta dhibaatooyinka ka taagan geeska.

Wakiilka cusub oo lagu Magacaabo Jeffrey Feltman uu u shaqeyn doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Magacaabidani waxay hoosta ka xarriiqeysaa sida ay uga go’an tahay Maamulka inuu hoggaamiyo dadaal diblomaasiyadeed oo caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinka siyaasadeed, nabadgelyo, iyo kuwa bini’aadanimo ee ka dhexeeya Geeska Afrika.

“Isagoo xilal sare ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qaramada Midoobay labadaba, Ergeyga Gaarka ah Feltman wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay inuu la yimaado khibrad tobanaan sano ah Afrika iyo Bariga Dhexe, diblomaasiyadda dhinacyada badan, iyo wada xaajoodka iyo dhexdhexaadinta si loo horumariyo loona fuliyo istiraatiijiyad isku dhafan oo Mareykanka ah. wax looga qabto arrimahaas adag ee gobolka ka jira” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here