Kylian Mbappé wuxuu ku riyoodaa inuu u ciyaaro Real Madrid.” – Mas’uul hore ee kooxda PSG ah.

0
198

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mas’uul hore ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in xiddiga reer France ee Kylian Mbappé uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro naadiga Real Madrid.

Real Madrid ayaa raadineysa inay la soo saxiixato weeraryahanka xulka qaranka Farance iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé si uu u noqdo hubka ugu weyn ee garoonka Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa heshiis la gashay kooxda reer France ee Monaco xagaagii 2017 si ay Kylian Mbappé kagala soo wareegto qiimo dhan 180 million euros, laakiin Paris Saint-Germain ayaa ka hormartay Los Blancos waxayna afduubteen saxiixa ciyaaryahanka iyagoo ku qanciyay dalabka iyo mashruuca Paris.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Luis Ferrer oo ka mid ahaa xubnihii maamulka ciyaaraha kooxda PSG, ayaa ka hadlay arrintaan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Fikirkeyga aan u sheegay agaasimihii hore ciyaaraha kooxda PSG ee Antero Henrique, wuxuu ahaa inaan marka hore u sheego in Mbappé uu sii joogo. Magaalada Paris sababo la xiriira inuu soo dhowyahay Koobka Adduunka.”

“Mbappé waxaan ku qancinay inuu ku biiro PSG, waxaana u balan qaadnay inuu boos joogta ah ka helayo safka joogtada ah ee kooxda, taas oo ah wax Real aysan u balan qaadin.”

“Waxay aheyd inaan si adag u shaqeyno, sababtoo ah waxaan ogaanay in Mbappé uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro Real Madrid, waxaan aaminay tayada Kylian, waxayna igu noqotay layaab aniga ahaan, sababtoo ah ma jirin ciyaartooy aan horey ugu balan qaaday inuu ciyaarayo, laakiin waan u sameeyay Mbappé, isla markaana tababare Unai Emery ayaa siiyay ereyadiisa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here