Real Madrid Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka LaLiga Xilli Karim Benzema Uu Ku Goolal Tirsaday Cadiz.

0
186

JOWHAR (Radioisnaay) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib guul raaxo leh oo ay ka gaadhay Cadiz oo ay marti u ahayd.

Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo uu dhaliyey Karim Benzema iyo midka saddexaad oo uu ku daray Alvaro Odriozola ayaa Real Madrid gacanta u geliyey guul 3-0 ay oo ay kasoo gaadhay Cadiz oo joogta garoonkeeda Estadio Ramon de Carranza.

Kulankan oo uu Zinedine Zidane isbeddello badan ku sameeyey safkiisa oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Toni Kroos iyo Luka Modric, ayaa waxay Los Blancos hoggaanka qabatay daqiiqaddii 30aad, markaas oo difaaca Cadiz ee Isaac Carcelen uu qalad ku galay Vinicius Junior, kaas oo markii hore uu garsooruhu tilmaamay in ay ciyaartu socoto balse lagala soo hadlay VAR, waxaana gool u beddelay Karim Benzema.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayaa kubbad uu Karim Benzema ka shaqeeyey, waxa helay Alvaro Odriozola oo goolka labaad u saxeexay kooxdiisa, ka hor intii aanu Karim Benzema madax ku dhalin goolka saddexaad daqiiqaddii 40aad ee qaybta hore.

Saddexdan gool ee tobanka daqiiqadood gudahood ay ku dhalisay, ayaa Real Madrid siiyey guusha aanay aadka ugu dhibaatoonin ee ay ka gaadhay Cadiz.

Real Madrid ayaa yeelatay 70 dhibcood oo ay kula wareegtay hoggaanka horyaalka, waxaanay ka  hormartay Atletico Madrid oo ay isku dhibco yihiin balse kulankeeda usbuuca ciyaari doonta habeen dambe. Barcelona oo kaalinta saddexaad fadhida ayaa haysata 65 dhibcood, waxaase gacanta ugu jira laba ciyaarood oo haddii ay guuleysato ay hal dhibic dhaafi doonto Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here