Shil uu ku dhintay Wariye iyo dad kale oo ka dhacay Puntland

0
145

Shilka oo ahaa mid Gaari ayaa waxaa uu xalay  ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isklu dhaceen labo gaari oo mid kuwa xamuulka qaada yahay midna kuwa raaxada yahay xill ay marayeen tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in shilka ay ku dhinteen Nuur Jaamac Aadan oo ahaa Weriye Caan ka ahaa degaannada Puntland , hooyadiis iyo walaashiis, waxaana sidoo kale burbur xoogan uu garay Gawaaridii shilka gashay.

Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dadka degaanka uu shilka ka dhacay ayaa gurmad ay sameeyeen waxaa ay goobta ka qaadeen meydadka Saddexda Ruux, kuwaas oo geeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shilalka gaadiidka ayaa mmalmihii la soo dhaafay ku bataya degaannada  Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaana la sheegaa in ay u sabab tahay burburka waddooyinka iyo darawalada qaar oo si xowli ah u wada Gawaarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here