Isku-Aadka Semi-finalka Europa League Oo La Xaqiiyey & Haddii Ay Isku Dhaceen Man United & Arsenal.

0
235

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa si rasmi ah loosoo afjaray wareegga siddeeddda tartanka Europa League kaddib markii ay afar kooxood oo guuleystay ay iska xaadiriyeen semi-finalka.

Manchester United, Arsenal, Villarreal iyo AS Roma ayaa guulo ay soo gaadheen caawa waxay iskaga xaadiriyeen semi-finalka, iyagoo soo garaacay Granada, Spartak Prague, Dynamo Zagreb iyo Ajax.

Man United ayaa labadii ciyaaroodba kasoo badisay Granada, halka Arsenal ay xasuuq u geysatay Prague oo lugtii hore ku giijisay barbarro ay kula gashay Emirates. Sidoo kale ayay Villarreal iyo Roma usoo garaaceen Zagreb iyo Ajax.

Isku-aadka Semi-finalka Europa League

Labada kooxood ee Ingiriiska ah ee Manchester United iyo Arsenal ayaa kala badbaaday oo nasiibkoodu kala leexiyey, waxaana suurtogal ah in finalka ay iskugu yimaaddaan labadan kooxood.

Manchester United ayaa ku beegantay AS Roma oo Talyaani ah, halka Arsenal ay la ciyaari doonto Villarreal.

Isku aadka

Manchester United vs AS Roma

Arsenal vs Villarreal

Goorma ayaa  la ciyaarayaa semi-finalka?

lugta hore ee semi-finalka Europa League ayaa la ciyaari doonaa Khamiista ay taariikhdu tahay April 29, halka lugta labaadna ay kooxuhu ku kala bixi doonaan toddobaadka xiga oo noqonaya Khamiista May 6.

Lugta hore: Khamiis, April 29

Lugta labaad: Khamiis, May 6.

Goorma ayaa  la ciyaarayaa finalka?

Finalka Europa League ayaa la ciyaari doonaa marka ay taariikhdu tahay May 26, oo noqonaysa afar maalmood ka hor finalka Champions League.

Halkee lagu ciyaarayaa finalka?

Magaalada Gdansk ee waddanka Porland ayaa lagu ciyaari doonaa finalka tartanka Europa League ee xilli ciyaareedkan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here