Manchester United Iyo Arsenal Oo Usoo Gudbay Semi-finalka Europa League.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Ingiriiska ah ee Manchester United iyo Arsenal ayaa iska xaadiriyey semi-finalka Europa League, kaddib markii ay guulo ka gaadheen Granada iyo Spartak Prague oo ay wareeggii siddeedda isku haleeleen.

Red Devils ayaa labadii lugoodba ku garaacday kooxda reer Spain ee Granada, halka Arsenal ay xasuuq usoo geysatay Spartak Prague oo lugtii hore barbarro ku qabatay barbarro.

Gool uu Edinson Cavani u dhaliyey qaybtii hore iyo mid uu iska dhaliyey difaaca Granada ee Jesus Vallejo ayaa Manchester United ka caawiyey in ay 2-0 ku dubato Granada oo ciyaartii horena ay kaga badisay 2-0, taas oo ka dhigan in Reds ay celceliska labada lugood kusoo adkaatay 4-0.

Manchester United oo ah kooxda koowaad ee loo saadaalinayo ku guuleysiga tartankan oo ay awooddeeda oo dhanna iskugu geynayso maadaama aanu jirin koob kale oo ay ku tartamayso, ayaa waxa ciyaartan dhaawac kaga maqnaa weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford, hase yeeshee waxa shaqadiisa qabsaday Edinson Cavani oo qaybtii hore isku qoray taariikhda.

Kubbad uu ka helay xerada ganaaxa dhexdeeda ayuu lugta bidix ku toogtay, waxaanay gashay shabaqa iyadoo aanu goolhayuhu is-dhaqaajinin.

Cavani ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee u dhashay Uruguay ee dhaliyey 50 gool oo tartamada Yurub ah (Europa League & Champions League).

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayuu Vallejo isku qabtay kubbada noqotay goolka labaad, waxaanay sidaas Red Devils ku xaqiijisatay libinteeda.

Arsenal ayaa iyaduna 4-0 ku karbaashtay Spartak Prague oo lugtii hore ku adkaysay imtixaanka, waqtigii dhimashadana ka dhalisay gool yareeyey rajada Gunners kusoo gudbayso.

Alexandre Lacazette oo laba gool dhaliyey iyo laba kale oo ay ku dareen Nicolas Pepe iyo Bukayo Saka, waxaanay si durduro ah ugu gudbeen semi-finalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here