Mareykanka oo Cunaqabateyn Dheeraad ah Saaraya Waddanka Ruushka.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka isagoo ka jawaabaya waxa uu ku sheegay weerarrada dhanka internet-ka iyo falal kale oo cadowtinnimo ah.

Tallaabooyinkaas, oo saameynaya dhowr shirkadood oo Ruushka laga leeyahay iyo saraakiil, ayaa looga gol leeyahay in looga hortago “ficillada xun ee Ruushka”, ayuu yiri Aqalka Cad.

Warbixinta Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in sirdoonka Ruushka uu ka dambeeyay dhacii sanadkii la soo dhaafay loo geystay “SolarWinds”, waxayna Moscow ku eedeyneysaa faragelinta doorashadii sanadkii 2020.

Ruushka ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha wuxuuna sheegay inuu ka falcelin doono.

Cunaqabateyntan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa ah kuwo faahfaahsan oo uu saxiixay Madaxweyne Joe Biden. Waxay ku soo aadayaan xilli adag oo uu meel xun marayo xiriirka labada dal.

Bishii la soo dhaafay Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday toddoba sarkaal oo Ruushka u dhashay iyo tiro dhowr ah oo hay’adaha dowladda ah sababo la xiriira sumeyntii Alexei Navalny oo ah nin mucaarad ku ah xukuumadda Kremlin. Ruushka ayaase sheegay inuusan ku lug lahayn.

Wada hadal uu Talaadadii qadka telefoonka kula yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin, ayuu Mr Biden wacad ku maray inuu “si adag” u difaaci doono danaha qaranka Mareykanka, isagoo soo jeediyay kulan lala yeesho Mr Putin si ay labada dal iskala shaqeeyaan meelaha ay isku mari la’yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here