PSG vs Man City – Isku Aadka Semi-finalka Champions League & Waqtiga La Ciyaarayo.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa soo dhamaystirmay afarta kooxood ee iskugu soo hadhay wareegga semi-finalka tartanka Champions League kaddib markii lasoo gabogabeeyey kulamada wareegga siddeedda.

Manchester City iyo Real Madrid oo caawa kasoo kala adkaaday Borussia Dortmund iyo Liverpool ayaa ku biiray Paris Saint-Germain iyo Chelsea oo xalay sii xaqiijistay boosaskooda semi-finalka, kaddib markii ay soo muquuniyeen Bayern Munich iyo FC Porto.

Laba kooxood oo Ingiriis ah iyo laba naadi oo ka kala dhisan Spain iyo Faransiiska ayaa sannadkan ku kala-calaf qaadaya koobka Champions League, waxaana jirta fursad ay iskugu iman karayaan laba naadi oo isku waddan ah haddii ay soo badiyaan City iyo Chelsea.

Isku-aadka wareegga semi-finalka Champions League

Advertisements

PSG vs Manchester City

Real Madrid vs Chelsea.

Waqtiga la ciyaarayo

Wareeggan ma jiri doonaan laba ciyaarood oo hal habeen soo wada dhacaya, waxaana maalintiiba la daawan doonaa hal kulan.

Bishan aynu ku jirno ee April 27/28-keeda ayaa lugta hore la ciyaari doonaa, waxaanay taasi ka dhigan tahay, in toddobaadka soo socda oo kaliya ay kooxuhu ka nasanayaan tartanka Champions League.

Wareeggan waxa kale oo aan jiri doonin nasasho u dhaxaysa labada is-arag ee kooxaha, waxaana la dheeli doonaa laba usbuuc oo isku xiga.

Lugta hore: 27/28 April

PSG vs Manchester City

Real Madrid vs Chelsea.

Lugta labaad: 3/4 May

Manchester City vs PSG

Chelsea vs Real Madrid.

Halkee lagu ciyaarayaa finalka

Finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan ayaa lagu ciyaari doonaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkey, halkaas oo ay ahayd in xilli ciyaareedkii hore lagu dheelo, laakiin fayraska Korona dartii loogu raray Portugal.

Waqtiga Finalka

May 31, 2021.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here